Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland waxay caddaysay in shahaadada badqabka caafimaad ee COVID-19 lagu qaadanayo khidmad dhan 50 dollar. Wixii faahfahin ahna lagala xiriiri karo shaybaarada ay khusayso.
Wasaaraddu waxay bulshada xasuusinaysa in khidmada laga qaado muwadiniinta si loo hubiyo badqabka caafimaadkoda lagu daboolo kharashaadka kala duwan ee shaybaarka iyo shaqada baaritaanka lagu fuliyo. Marna wasaaraddu dakhli kama samayso baritaanka iyo adeeg bixinta caafimaadka, iyado wax walba ku xirnaan doonan qalabka la soo gadayo iyo kharashka gelaya, waxay dowladdu ka shaqaynaysa sidii loo sii yarayn lahaa khidmada baritaanka iyo in bulshada reer Puntland helaan adeeg baaritaan oo jaban ama lacag laโaan ah.
Waxay wasaaraddu balanqaadaysa in muwaadiniintu helaan adeeg baaritaan oo dhamaystiran kaas oo tayadiisa lagu hubiyey halbeegyada caalamiga ah (international standards).
Waxaa xusid mudan in baaritaanka, daawaynta iyo dhamaan adeegyadaย kale ee la xiriira COVID-19 ee bukaanadu yihiin lacag laโaan.