Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey Geeriga Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise.
Allaha u naxariistee Maxruum Maxamed Ciise ayaa saakay ku geeriyooday Magaalada Garoowe, isagoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Qaran ee Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, Golaha Xukuumadda, shaqaalaha Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geerida Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Marxuum Maxamed Xasan Ciise.
“Madaxweynuhu, waxa uu Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba†ayuu yiri Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash.