Wararka aan ka heleyno Gobolka bari gaar ahaan deegaanka Buuraleyda Galgala ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Ciidanka amniga Puntland ee PSF howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen.
Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa howlgal ka fuliyay deegaanada kala ah Madarshoon, Karin-xagarood, Mariidle iyo Diindigle ee buuraleyda Calmadow,isla markaana sheegay in ay howlgalkaas ku dileen 19 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab halkaasi ay uga gubeen raashin,waxaana qoraalkaas u qornaa sidan:
“Ciidamada #PSF waxay hawlgalkan ka gaareen guulo muhiim ah, waxay na Al Shabaab ka dileen intii 19 xubnood , iyaga oo tiro kale oo intaa ka badan oo Al Shabaab ahna dhaawacyo gaarsiiyey,sidoo kalena ciidamada PSF waxay ka gubeen Al Shabaab raashin ay kaga carareen goobihii ciidamadu ku weerareen†ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalkan laga fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dhawaan Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni uu sheegay inay dagaal la geli doonaan Al-shabaab iyo Daacish.