Maamul goboledka Puntland ayaa shaaciyey in heshiis shidaal baaris ah ay la galeen shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka Shiinaha kadib kulan  golaha wasiirad Puntland ay ku yeesheen magaalada Garowe.
Kadib ulanka golaha wasiirada War-saxaafadeed ka soo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in shirkad-dan ay xarumo ku yeelan doonto gudaha Puntland , isla markaana si rasmi ah loo bilaabi doono howlaha sahminta shidaalka ee gobolka .
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Heshiiskan ay wada gareen Puntland iyo CCECC uu ku saabsan yahay in shirkaddu ay dhisto garoonka diyaaradaha Galkacayo, iyo Wadada isku xirta EYL/Garowe,
Heshiiska shirkadan maamulka Puntland la galeen ayaa ka soo bilawday Kulan  ka dhacay magaalada Addis Ababa  ee xarunta dalka Itoobiya bilo ka hor.
Dhinaca kale Golaha wasiirada  ayaa sidoo kale ka hadlay  Ilaalinta hantida dowladda gaar ahaan gadiidka, waxaa kaloo lagaga hadlay la dagaalanka Burcad-badeeda ee xeebaha Puntland iyo xaaladda abaaraha Puntland oo golluhu uu warbixino ka dhagaystay guddiyada abaaraha Puntland.