Garoowe – Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Somaliland 15 maxbuus oo horay loogu qabtay dagaalladii sanadkii 2023 ka dhacay gobolka Sool, xilli sidoo kale Somaliland ay saacadaha soo socda ku wareejinayso Puntland 11 maxbuus oo ay horey u qabatay.
Wareejinta maxaabiista ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana Puntland ku sheegtay tallaabadan mid muhiim ah oo horseedi karta iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo labada dhinac dhexmarta.
Wasiirka Caddaaladda ee Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay: “Maanta waxaan ku wareejinay dowladda Somaliland 15 maxbuus oo ka mid ah maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool 2023.
Somaliland ayaa dhankeeda ku soo wareejisay dowladda Puntland 11 maxbuus oo horey loogu qabtay isla dagaalladaas.”
Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid wax weyn ka taraya nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhexgalka bulshada labada dhinac. “Tani waa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka iskaashiga nabadgelyada, amniga, ganacsiga, walaalnimada iyo is-dhexgalka bulshadeenna. Waa wax lagu farxo in wiilal Soomaaliyeed oo labo sano xabsi ku jirey ay maanta dib u helaan xorriyadoodii, una laabtaan qoysaskoodii iyo eheladooda,” ayuu yiri.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Madaxweynaha Puntland dhowaan ugu baaqay Somaliland in la xoojiyo iskaashiga labada maamul, isagoo ku tilmaamay Somaliland “deris aan laga maarmin” marka la eego xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.
Tallaabadan is-weydaarsiga maxaabiista ayaa loo arkaa mid dhabbaha u xaareysa wadahadal iyo xiriir cusub oo salka ku haya danaha shacabka labada dhinac.