xubno kamid ah odayaasha dhaqanka ee degaanada galmudug oo maanta saxaafada kula hadlay degmada cadaado ayaa sheegay in dowlada soomaaliya gaar ahaan wasiirkeeda arimaha gudaha uu faragelin kusameeyay arimaha dhaqan ee iyaga gaarka u ah
odayaashan ayaa si cad ushaaciyay in wasiirku uu wareegto ku kala badalay xubno dhaqan oo ay kulahaayeen odayaasha kuxareysan xarada KAFAALA ee degmada cadaado oo sadex xubnood oo ay kulahaayeen midkamid ahaa oo magaciisa layiraahdo nabadoon jaamac maxamad xalane lagasoo saaray xaradaasi oo uukujray mudooyinkii ugu dambeeyay lagauna badalay cabdinaasir jaamac seed
oday dhaqameedyadan ayaa ku goodiyay in dowladu hadii aysan 48 saacadood uga noqon talaabadaasi ay go.aan kaqaadan doonaan shirka maamul usameynta gobolada dhexe ee cadaado kasocda
waxaa xusid mudan in cabdinaasir jaamac seed uu hormuud ka ahaaxubnaha dhaqan ee aadka ugu dhow ololaha musharax cabdi xasan cawaale qeybdiid oo kamid ah xubnaha uloolamaya madaxweyne nimada maamulka gobolada dhexe islamarkaana waxaa uu aad uga dhaxmuuqan jiray shirarka kadhanka ah gudiga farsamada ee dowlada soomaaliya magacowday inta badana shirarka dhaqan ee dhinacyada diidan qaabka loo hagayo shirka cadaado ka ahaa shir gudoon