Madaxweyne Barack Obama oo xalay Shir Jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sheegay inay Tallaabadaasi laga dhaxli doono natiijo Qarax ah, wuxuuna walaac ka muujiyey Xiisadda Falastiiniyiin iyo inay adkaan doono in la dhiso Labo Dowlad oo ay kala leeyihiin Yuhuudda iyo Falastiin.
Barack Obama waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ee ugu dambeeyey kula taliyey Madaxweynaha cusub ee Maraykanka inuu cawaaqib-xumo kala kulmi doono Isku-daygiisa ku aadan in Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv loo wareejiyo magaalladda Qudus-ta La-haysto.
Obama waxa uu difaacay Go’aankii uu Maamulkiisa isku hortaagin Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee Deegaamaynta Yuhuudda ka wadaan dhulalka la-haysto ee Falastiin, kadib, markii ay arkeen inuu fashilmay Xalkii Nabadda ee Falastiin iyo Yuhuudda.
©Radio Dalsan