NUSOJ oo Soo dhoweysay Magacaabista La Taliyaha Raisul Wasaaraha ee Arrimaha Warfaafinta

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si weyn u soo dhoweynayaa magacaabista La Taliyaha Raisul Wasaare Cumare Cabdirashid Cali Sharmarke ee Dhinaca warfaafinta oo loo magacaabay Md. Garaad Salaad oo ah nin aqoon durugsan u leh arrimaha warfaafinta.

 “Garaad Salaad waa saaxiibka dhamaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed, magacaabistiisana waanu ku faraxnay, waana soo dhoweyneynaa.” Ayuu yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, “Waxa uuna xiriir wanaagsan la leeyahay bahda warfaafinta, waxaana ku kalsoonahay in uu hagaajin doono xiriirka warbaafineed ee xafiiska Raisul wasaaruhu la leeyahay bahweynta Saxaafadda.”

 Garaad Salaad waxa uu horey u ahaa Agaasimaha Warfaahinta xafiiska Raisul  wasaaraha muddo ka badan afar sano, lana soo shaqeeyay shan raisul wasaare.

 Ugu dameyntii Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) waxa uu  ku tilmaamay magacaabistan mid isu soo dhoweyn karta wadashaqeyn dhab ah oo ay bahda warfaafintu la yeelato xafiiska raisul wasaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor