Faah faahino ayaa kasoo baxaya Askari ka Ciidanka dowladda Federaalka oo Goordhaweyd Nin hubeysan oo dil u geysan rabay ku toogtay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Ninkaas oo ku hubeysnaa Bastoolad uu doonayay inuu dilo Askariga oo ku sugnaa goob Maqaaxi ah oo ku taalla Xaafadda Jamhuuriya ee kaaraan, hayeeshee Askariga uu Ninkii hubeysnaa toogtay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ninka la dilay uu la socday ruux kale oo isna hubeysan, kaasi oo si deg deg ah u baxsaday goobta sida la sheegay markii uu maqlay dhawaqa rasaasta lagu dhuftay Ninkii la socday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana qaaday Meydka Ninkii hubeysnaa ee la dilay, kaasi oo doonayay inuu toogto Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaaalka.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka iyo Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan falkaas ka dhacay xaafadda Xaafadda Jamhuuriya ee degmadaas.