Saciid Sheekh Aadan, oo kamid ahaa Nabadoonadda soomaaliyeed ayaa waxaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen suuqa Baraakaraha ee Magaaladda Mogadishu.
Dad goob-joogayaal ah ayaa usheegay Radio Dalsan, in kooxihii toogtay nabadoonka ay ahaayeen kuwo ku hubeynsaa Bastoolado, waxaana nabadoonka ay ka toogteen qeybta sare ee jirka, iyagoona isla goota isaga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya oo goobta uu dilka ka dhacay gaaray waqti dambe ayaa waxaa ay sameeyeen howgallo.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu dilay nabadoon Saciid Sheekh Allah ha-unaxariistee.
Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn ee soomaaliya, waxaana indhawaala ah aaney ka dhicin dil noocaan oo kale ah.