Muwadiniin looga digay inay booqdaan dalalka lagu daray Liiska cas ee COVID-19

Wasaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa waxaa ay uga digtay Muwaadiniintooda inay u safraan dalalka loo aqoonsaday Liiska Khadka Cas ee COVID 19.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA waxay baahisay in dadka Sacuudiyaanka ee u safra dalalka looga digay inay mutaysan doonaan Ganaax, Xabsi iyo in ugu yaraan 3 sano ah laga mamnuuco Safarada dalalka Dibedda.

Dowladda Sacuudiga waxay dalalka ay ku dartay Liiska Cas ee Cuddurka COVID 19 kala yihiin Imaaraadka, Indonesia, Hindiya,Turkiga, Lubnaan, Pakistan, Koonfur Afrika, Argentina, Brazil, Ethiopia iyo Vietnam.

Dhinaca kale, Sacuudiga waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dillaacay Xanuunka cuddurka COVID 19,  iyadoo Tiro-koobkii u dambeeyey muujinayo inay 8,189 Bukaan u geeriyoodeen Coronavirus.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor