7 qof oo Somali ah oo lagu eedeynayo inay weeraro ka geysan laahaayeen magaalladda Kampala ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla Kampala, iyagoo dib u codsaday in damiin lagu sii daayo.
Eedeysanayaasha oo lagu wado in mar kale la soo taago Maxkamadda Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Uganda ayaa ka hor sheegay Garsooraha inay muddo 2-sanno Dacwad la’aan ugu xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Luzira.
Waxay kaloo sheegeen inay u bahaan yihiin in dareen gaar ah loo yeesho xaalladooda caafimaad, maadaama aysan wax Adeeg Caafimaad ku helin Xabsiga.
Eedeysanayaasha oo isugu jira rag iyo haween ayey Boliska Uganda soo xireen bishii September ee sannadkii 2014-kii, iyagoo ku sugan Hotel ku yaalla Xaafadda Kisenyi ee magaalladda Kampla.
Shabakadda Wararka ee Independent.co.org ee dalka Uganda ayaa maanta qortay inay Dadka Deegaanka Boliska u soo far-muuqeen dadkaasi Soomaalida oo ay ku eedeeyeen inay taageeraan Xarakadda Al-shabaab iyo Alqaacida.
Kooxda Soomaalida waxay Codsigooda Koowaad in Damiin lagu sii daayey u gudbiyeen Maxkamadda bishii December ee sannadkii 2014-kii, balse waxaa diiday Garsooraha Moses Mukiibni.
Codsigooda Labaad ayaa la filayaa in mar kale la dhegeysto bishan September 29-da, waxaana la filayaa Kooxda Soomaalida inay maalinta Isniinta ee soo socota dib loogu soo celiyo Maxkamadda.
Saddex Garsoore ayaa loo xil saaray Dhegeysiga Kiiskooda.
©Radio Dalsan