Waxaa Maanta muddo kadib dhagxaantii taallay laga qaaday waddo muhiim oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan mida isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo Tarabuunka oo in muddo ah aan la isticmaalin.
Safaaradda Qatar ayaa si rasmi ah uga guurtay dhismihii ay ka deganeyd wadada Maanta la furay oo u xirneyd, isla markaana waxaa gebi ahaan laga qaaday dhagxaan waaweyn, Carro farabadan oo difaac ah iyo birro lagu jaray.
Sawirro laga soo qaaday wadada ayaa muujinayay in dhagxaanta lagu qaaday gaadiidka loogu tala-galay in lagu qaado dhagxaanta waaweyn, sidoo kalena la burburinayay difaacyo sannado ka dhisnaa wadadaas oo muhiim u ah isku socodk gaadiidka iyo dadweynaha.
Weli lama oga halka ay u guurtay Safaaradda Qatar ee Soomaaliya oo ka guurtay wadada la furay, waxaana tallaabada lagu furay wadada ay timid, kadib markii cabasho xoogan kasoo yeertay shacabka oo ku aadan cariiri iyo Jaam farabadan oo ka jira waddooyinka ku yaalla Caasimadda dalka.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in dib u furista wadadan uu horey isugu dayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen. Muungaab, hayeeshee tallaabadaas ay kasoo horjeeysteen Madaxda dowladda Federaalka iyo hay’addaha amniga.
Si kastaba Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey dhagxaantii ay ku xirtay waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ka qaaday, waxaana la dhigay waddooyin ku yaalla dhinaca Warshadaha, halka la sheegay in kuwo kalena la doonayo in la furo.