Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo oo Maanta la doortay

Mgaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Doorashada Duqa Cusub ee Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo Doorashada ay aheyd mid codadka loo dhiibnayay si qarsoodi ah.

Xildhibaanada Cusub ee Golaha deegaanka Gaalkacyo ayaa Cabdiraxmaan Sheekh Xasan u doortay uu noqdo Duqa Magaalada Gaalkacyo oo kaligiis ku soo haray kursigan, kadib markii Doorashada kahor uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa.

Sidoo kale Xildhibaanada golaha deegaanka ayaa doortay ku-xigeenka Duqa Magaalada, iyagoona u doortay Maxamed Cabdi Cilmi, kaasi oo ay la tartameen laba Musharax oo kala ah Cabduqaadir Maxamed Cabdi iyo Bile Xuseen Cali.

Maxamed Cabdi Cilmi helay Codad gaaraya ilaa iyo 17-Cod, halka Cabduqaadir Maxamed uu helay 6 Cod iyo Bile Xuseen oo ahaa Musharaxii saddexaad oo isna helay 2 Cod, waxaana sidaas ku guuleystay Maxamed Cabdi.

Goobta lagu qaabanayay Doorashada Duqa Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha Golaha deegaanka, Wasiirka Arrimaha gudaha Galmudug, Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media