Siyaasiga Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyas ku dhex leh Mudanayaasha Barlamaanka Kenya ayaa hadalkaasi ka jeediyey Isku-soo-bax maanta ka dhacay magaalladda Garissa, oo lagu xusayey Sannad-guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay markii ay Alshabaab weerareen Jaamacadda Garissa.
Aadan Barre Ducaale waxa uu ugu baaqay Muwaadiniinta Kenya inay u midoobaan Dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray Argagixisadda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Khatartaasi tahay mid Caalami ah.
“Haddii ay Argagixisadda garaaceen Paris, Brussela iyo Istanbul, maxaa u diidayo qeybaga kale ee Caalamka” ayuu yiri, wuxuuna intaasi raaciyey inay taasi muujinaysao inaysan Argagixisadda ahayn arrimo u gaar ah Kenya.
Dibadbaxa maanta lagu qabtay Jaamacadda Garissa waxaa ka soo qeyb galay boqolaal qof oo kala diin ah, kuwaasi oo isugu yimid si ay u xusaan sannad-guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay Weerarkii Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 142 Arday iyo 6 Askari.
©Radio Dalsan