Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil iyo Xabsi ah ku ridday Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab

Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil & Xabsi.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamaddu ay sheegtay in ay ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan.

Halka Sedaxda kale ay ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-Wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii, xilligaasi oo mar Qura gacanta ay ku dhigeen Boliiska Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor