Guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee Maamaul Goboleedka Hir-shabeelle Cabdixakiin luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehliyaan labadiisa kuxigeen ee Siraaji Shekh Isaaq Cabdulle iyo Mahad Hassan Cusmaan ayaa kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi Cali Guudlaawe.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira siyaasadda Maamulka Hir-shabeelle gaar ahaan doorashooyinka ka socda, waxaana dhawaan la filayaa in la gudo galo doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
Cali Guudlaawe oo ah Murshax u taagan Madaxtinimada Maamulkaa Hir-shabeelle ayaa kaga mahad celiaya Guddoomiyeyaasha dadaalkooda ku aaddan sida ay u doonayaan in ay dhisaan maamul ku dhisan hufnaan.
Guddoomiyaha ayaa shalay ku dhawaaqay guddiga doorashada madaxweynaha iyo m,adaxweyne ku xigeenka, waxana maamulkaasi Hir-shabeelle dhawaan la dooran ka dhici doonta doorashada Madaxweynaha, iyadoo horay loo soo dhisay Baarlamaanka Maamulkaasi.