Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Shacabka Degmada Xudur ee Gobolka Bokool.
Masuuliyiin kala gedisan oo ka hadlay Xafladda soo dhoweynta ayaa dhammaantooda codsaday in degaannada Gobolka si deg ah loogu dulqaado AL-Shabaab, waxayna xuseen ay ku biiraan dadaalada dalka looga saarayo Al-Shabaab.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, isagoo la hadlaayay Shacab weyne tira badan ayuu u sheegay in Dowladda diyaar u tahay xorreynta ka qeyb qaadashada iyo taageerada Xukuumadda, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa balanqaaday in la hirgelin doono adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.