Rag hubeysan ayaa Duhurnimadii Maanta waxa ay Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho ku dileen Nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in rag bustoolado ku hubeysnaa ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Nuur Khayr oo Ganacsade,isla markaana ahaa Madaxii Shirkada Hilibka ee Someat oo ah Shirkad Hilibka dhoofisa.
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Shirkadda Dahabshiil ee Suuqa Bakaaraha oo ku taalo wadada labaad ee Suuqaasi.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay ,iyaga oo goobta ka qaaday meydka Marxuumka.
Weli macada dadka ka dambeeya dilka Ganacsadaha iyo sababata loo dilay,balse waxaa horay Suuqa Bakaaraha lagu dhaawacay Masuul ka tirsanaa Shirkada Dahabshiil.