Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya War kasoo saartay Go’aankii Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa in Dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland muddo laba sanno ah.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweysay go’aankii Maanta ay ku dhawaaqday dowladda Federaalka, isla markaana ay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweyne KMG ah.
Sidoo kale Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku Casuumay Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, si looga hadlo Arrimo kala duwan oo ku aadan dalka.
Mareykanka ayaa tilmaamay in wada hadal iyo dib u heshiisiin ay gaaraan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ay muhiim u yihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Si kastaba Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaadacday Go’aankii Dowladda Federaalka ay Axmed Madoobe ugu aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland mudo laba sanno.