Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa sheegay inay Iiraan ku guul-daraysatay bartamihii bishan June Isku-day ay ku doonayeen inay Gantaal Cusub u diraan Hawada Sare.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Kolonel Uriyah Orland ayaa xogtaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka caanka ee CNN-ka, wuxuuna xusay inay Taliska Hawada Sare ee Maraykanka ka war qabaan inay Iran ku fashilantay Isku-daygaasi bishan June 12-dii.
Lama sheegin waxa u sabab ah Fashilkaasi, welina Dowladda Iran kama aysan hadlin arrintaasi.
Waxaa la soo weriyey inuu markii 4-aad ee ay Iran ku guul-daraysato inay Hawada Sare u dirto Daax-gacmeed-Xambaaraha ee SIMROGH oo laga soo minguuriyey Muuqaalka Gantaalka ay Waqooyiga Kuurya hindistay.
Bishii May, Wakaalladda Wararka Iran ee IRNA waxay sheegtay inay Iran qorsheynayso inay dhowr Daax-gacmeed u diraan Hawada sare mustaqbalka dhow.