Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antooni Bilinken ayaa sheegay inay Gargaar Aadmino oo lagu qiimeeyey in ka badan 266 million oo Dollar siin doonaan Afganistan, iyadoo Gargaarkaasi lagu taageerayo qaar ka mid ah dadka u badan oo lagu qiyaasay 18 million oo qof.
Qoraal uu soo saaray Xoghaye Antooni Bilinkin waxa uu ku xusay inay Gargaar u baahan yihiin in ka badan 115,000 qof oo ku barakacay colaadaha gudaha Afganistan iyo ku-dhawaad 500,000 oo kale oo ka soo laabtay dalalka deriska.
Tan iyo sanadkii 2002-dii, Dowladda Maraykanka waxay Afganistan ugu deeqday lacag dhan 3.9 Billion oo Dollar.
Antooni Bilinken waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyaaasha Afganistan iyo Ururka Daalibaan inay yeeshaan Wada-xaaood Siyaasadeed, Xabbad-Jooin waarta, si loo Jooiyo Coaladaka 40-ka sano ka socda dalka Afganistaan.