Dhageyso:-Taliska Booliiska Jubbada Hoose oo faah faahiyay howlgal ay ka sameeyeen M/Kismaayo

Axmed Naasir taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay saacadihii la soo dhaafay howlgal dhanka amniga ah ay ka sameeyeen inta badan Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay leedahay cadaw, balse har iyo habeen ay jidwalba u taagan yihiin sidii ay uga hortegi lahaayeen iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweynaha Jubbaland ee ahaa sugida amniga.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in intii uu howlgalka socday ay qabteen dad farabadan oo ay uga shakisan yihiin in ay xiriir la leeyihiin cadawga iyo kuwo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa amnigeeda waxa uu yahay mid aad u wanaagsan marka la eego Magaalooyinka kale ee Gobolada Jubbooyinka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliiska Gobolka Jubbada hoose.