Dhageyso:-Puntland oo Ciidamo geysay Duleedka deegaanka Tukaraq iyo Xiisad ka taagan+Sawirro

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa ka taagan gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo ay dhawaan ciidamada Soomaaliland kala wareegeen kuwa Puntland.

Ciidamo farabadan ayaa lagu soo waramayaa in ay Puntland geysay tuulooyin u dhow dhw degaanka Tukaraq sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Soomaaliland  Cabdi Kheyre Dirir.

Waxa uu sheegay in Puntland ay Ciidamo ku soo daad gureyneyso Bariga deegaanka Tukaraq balse Ciidamada Soomaaliland ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan kuwo ku soo duulay Soomaaliland sida uu hadalka u dhigay.

Puntland iyo Soomaaliland ayaa tan iyo wixii k dambeeyay markii ciidamada soomaaliland galeen deeganka Tukraq waxa ay Warbaahinta isku marinayeen hadalo Xanaf ah,waxana Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Cali Qarjab uu sheegay in Soomaaliland ay xiriir la leedahay Al-Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.