Dhageyso:-Madaxweyne Waare oo ka hadlay weerarada Shabaab ka geystaan Wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar

Iyada oo Maalmihii la soo dhaafay amniga Wadada xiriirisa degmada Balcad iyo Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ee Jowhar uu aad u xumaaday ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in xalada amni ee Wadadaas ay maalmahan noqotay mid ad u xumaatay tas oo sameeysay Maamulka Hir-Shabeelle loogana baahan yahay laamaha amniga in ay ka qeyb qaataan xaqiijinta amniga Wadadaas.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in Shacabka in Wadooyinka laga xiro ama la cunaqabateeyo aan la aqbaleyn isla markana uu yahay culeys soo wajahay Maamulka Hir-Shabeelle.

Isaga oo sii hadlayay waxa uu sheegay in Wadadaas kaliya uusan amnigeeda uusan xumeyn balse ay jiraan degmooyin kale oo amnigooda laga deyrinayo,sidoo kale ay jiraan howlgallo ka socda ilaa 6 degmo kaas oo amniga lagu xaqiijinayo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Waare.