Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo iyo Wasiir Khadiijo oo siwadajir ah uga hadlay Guushii Xulka Soomaaliya

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen fnalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaarahan oo ka socda dalka Burundi ayaa xulka Soomaaliya waxay ka adkaadeen ciyaartii Semifinalaha xulka dalka Uganda oo ay gool iyo waxba kaga awood roonaadeen. Goolka waxa u dhaliyay ciyaarhaan Farxaan Duqow. Sidoo kale, xulka Uganda ayaa iska khasaariyay gool ku laad ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya fariin qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka waxa uu ugu hambalyeeyey Guusha Xulka Ciyaartoda 1-jirada Soomaaliya.

2232178406820561

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa guusha ay Galabta gaareen ugu hambalyeeysay xulka 1-jirada dalkeena Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay gaarto kama danbeysta tartankan, iyaddoo Soomaaliya ay ka soo adkaatay dalalka Yugandha,  Kenya iyo Xulka Itoobiya oo ganaax looga qaaday dhibceheeda kadib marka ay Ciyaartii dhax-maratay Soomaaliya ay soo safeen Ciyaartoy ka weyn Da’da 17 Jirka.

Soomaaliya, ayaa finalaha la dheeli doonta xulka dalka Tanzania 29-ka bishan April, ee maalinta Axadda ah. Tanzaina ayaa iyagana 2-1 kaga soo adkaaday xulka dalka Kenya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.