Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka walaacsan sameynta uu ku yeeshay diidmada Lacagta Shilinka Soomaaliga oo Ganacsatada ay diideen in wax looga iibsado.
Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Gaalkacyo oo Warbahinta kula hadlayay Magaaalda Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in ay d uga xun yihiin diidmada Shilinka Soomaaliga oo ay sameynayaan Ganacsatada.
Waxa ay sheegeen in hadii ay doonayaan in ay wax ka iibsadaan Suuqayada Magaalada Gaalkacyo ay dhaceyso in hadii ay Suuqa la tagan lacag dhan 100 loo sheegayo in lcag dhan ama ku dhow 80 in ay Feelso tahay taas oo keentay in dadka qar ay ka qadaan lacagtooda.
Ugu dambeen waxa ay ugu baaqeen maamulka Gobolka Mudug in ay arintan faraha la soo galan islamarkaana ay wax k qabtan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Shacabka