Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka.
Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo Wreysi gar ah siiyay Radio Dalsan Xrunt Muqdisho ayaa sheegay in kulnk Xubnaha Aqalka Sare uu furmi doono 12-ka Bishaan Juulaay.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale.
Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya fasaxii ay galeen markii la xiray kalfadhigii koowaad ee Golaha Aqalka Sare.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi