Dhageyso:-Gaas oo dowladaha Shisheeye ku eedeeyay xaalufinta Kheyraadka Soomaaliya

Cabduweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dhamaan kheyraadka dalkeena la xaalufiyay isla markaana dad meela kala duwan ka yimid ay wada guranayaan.

Gaas,ayaa sheegay in ha ahaado kheyraadka Badda iyo midka Beriga intaba aan loo kala harin taas micnaheeduna ay tahay in aysan jiri doonin kheyraad la isku haleyn Karo.

Waxa uu sheegay in waxkasta oo sababay in kheyraadkeena la iska gurto aan anaga sababteeda leenahay isla markaana loo baahan yahay in hadda ka hortag la sameeyo.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne Gaas,waxa uu sheegay xili uu soo xiray shir looga hadayay arrimaha kaluumeysiga kaas oo laba Maalin ka socday Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.