Dagaalamayaasha taabacsan Raashiya ee haatan gacanta ku haysa Gobalka Donetsk ee dalka Ukraine ayaa sheegtay inay u dagaalamayaan sidii Dagaalamayaasha Soomaalida oo kale.
Taliye Deegaan oo lagu magacaabo Mikhail Tolstykh, kuna sugan Degmadda Ilovaisk ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka ay u socdaan Dhacdooyinka Dagaalka.
Taliyahaasi oo 34-jir, horeyna u ahaan jirey Dareewal ayaa waxaa lagu naanaysaa Taliye Givi, wuxuuna xusay inaysan Ciiddanka Ukraine marnaba soo gelin Deegaankiisa
Isagoo la hadlayey Wargeyska Wararka Toddobaadka ee NEWSWEEK ayuu sheegay inay 107 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda Ukraine oo wata Hal Madfac ku sugan yihiin Gacanka, kuwaasi oo taageero ka hela Taliye lagu naanayso Motorola iyo qaar ka mid ah Dagaalyahano Jejniyiin ah.
Mar wax laga weydiiyey Xeelladaha ay Dagaalamayaashiisa ku dagaalamaan waxa uu tilmaamay inuu Ciiddankiisa ugu magac daray Guutadda Soomaaliuda “Somalia Battalionâ€.
Wuxuuna naanaystaasi ku muujiyey inay Soomaalida geesiyiin ku yihiin Dagaalka, sida Burcad-baddeeda, taasi ay keentay inay Ciiddankiisa isku magacaabaan Guutadda Somalia.
Xigasho: NEWSWEEK
©Radio Dalsan