Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul Qeyd ayaa waxaa uu khamiistii shalay aheyd kulan khadka Telefoonka kula qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal ka soo baxay Xogheynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in Xoghaye Axmed uu Xasan Sheekh ugu hambalyeeyey xilka Madaxweynaha ee loo doortay 15-dii May iyo sida nabadda ee ay doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ku dhacday.
Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu sheegay inuu aqbalay casuumaada loo fidiyey ee uu kaga qeyb geli doono Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Axmed Abul Qeyd ayaa waxaa uu Madaxweynaha u ballanqaaday in Ururka Jaamacadda Carabta garab taagan yihiin dowladda Federalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero buuxaan ka geysan doonaan Deganaansha, Horumarka iyo Dib-u-dhiska Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha Asaasiga ee Soomaaliya.
Si kastaba Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inay 9-ka bisha soo socota ee June ka dhacdo Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb geli doona Madax kala duwan oo aad u faraban.