Madaxweyne Lafta-gareen oo Shir isugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee K/Galbeed

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa isugu yeeray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Lafta-gareen uu Xildhibaanada labada Aqal isugu yeeray inay 20-ka bishaan Maarso isugu yimaadaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta G/Baay, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Maamulkaas la yeelan Shir Wadatashi ah, kaasi oo ku saabsan jiheynta doorashada dalka gaar ahaan tan Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamayA in Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen uu Xildhibaanada kala hadli doono dib u doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo arrinta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan soo gaba-gabeeyay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana Maamulkaas uu kasoo horjeestay Jadwalkii Dhaarinta Xildhibaanada oo ay soo saareen Guddiga doorashooyinka  heer Federaal, kuna tilmaamay mid sharci darro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor