Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntalnd ayaa G/sare Aadan Maxamed Cabdi ayaa loogu magacaabay Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Maxadweyne ku xigeenka ayaa u qornayd sida tan:
“Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool.
Wuxuu u magacaabay:-
G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay”.