Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xeer Madaxweyne Ku-xigeen Lr-22, December, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Cayn
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Dardargelinta Hawlaha Shaqo ee gobolka Cayn.
Markuu Arkay: Aqoontiisa iyo Kartidiisa
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa Guuleed Maxamed Nuux ( Guuleed San-weyne) loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn.
Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenku saxiixo, wuuna saxiixay.