Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA ayaa Maanta qortay in kulan Khadka Telefoonka ah uu dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk oo shalay ka badbaaday Qarax lagu Khaaijin lahaa iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa si kulul u Cambaareeyay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee shalay uu ka badbaaday Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk.
Sidoo kale Wakaalladda Wararka Suudaan ee SUNA ayaa qortay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dowladda iyo shacabka dalka Suudaan u rajeeyay Mustaqbal Wanaagsan.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa weerarkii shalay uu ka badbaaday kala hadlay Madax kala duwan iyo dowlado, waxaana kamid ah Sacuudiga, Urdun, Masar iyo Ururadda Caalamiga ee kala QM, Ururka Islaamka ee OIC, Ururka Jaamacadda Carabta, Ra’isul-wasaaradda Jarmalka, Angela Merkel, Iskaashiga Khaliijka, iyo Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa badbaaday Weerar Is-qarxin ah oo lagu khaarijin lahaa, iyadoona qaraxaas uu qabsaday garigii uu la socday Ra’isul-wasaaraha, balse aysan cidna wax ku noqonin.