Waxaa weli kulamo la isku mari la’yahay Magaalada Garoowe uga socdaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweyne Saciid Deni ka dalbaday inuu soo magacaabo xubnaha Puntland ku metelaya Guddiyada doorashooyinka heer maamul Goboleed ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kadibna la saxo wixii qaldan.
Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta ay isku hayaan dowladda Federaalka ee ku aadan Gobolka Gedo  iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada lagu muran yahay.
Kulamada labada dhinac u dhexeeya ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashadooyinka, Guddiyada lagu muran yahay iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Puntland ee Doorashada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa ku adkeysanaya in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gedo shir gaar ah looga hadlo, dhowaana shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la qaban doono.
Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashada ee la magacaabay, kuwaasi oo Musharaxiinta Madaxweynaha sheegeen in aan lagu aamini karin Doorashada dalka ka dhaceysa, iyagoona magacaabay Guddiga badbaadinta Doorashada Qaranka, waxaana sidoo kalena Guddiga kasoo horjeeda Puntland iyo Jubbaland oo shuruudo adeg ku xiray soo magacaabista Guddiyada laga sugayo.