Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo James Swan kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa Maaanta magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay abaaraha dalka ku dhuftay iyo sida Qaramada Midoobay ay gacan uga gaysan lahayd arrimaha bini’aadanimada, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sidoo kale, Qoorqoor iyo Ergayga gaarka ah waxay kawada hadleen la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii looga xorayn lahaa guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, iyadoo Galmudug ay dagaal kula jirto Shabaabka.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Ergayga James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo sida hormar looga samayn lahaa dowlad dhiska Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor