Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay Safiirka UK ee Somalia

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Aqalka martida kulan kula yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo Maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli lahayeen kaalmo deg deg ah.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay qorshayaasha hormarinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply