Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa uu xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo geedi socodka uu dalku ku jiro, sidii si wadajir ah looga wada shaqayn lahaa inuu noqdo Mid ka dhabeeya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi la wadaagay dhambaal hambalyo ah, isagoona ugu hambalyeeyay in mar kale loo doortay xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana labada dhinac ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen hannaanka lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa uu wadaan kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Musharaxiinta iyo mas’uuliyiin kale.