Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo gaaray Degmada Warsheekh

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa lagu wadaan in Saacadaha soo aaddan ay socdaal ku tagaan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka aan helayno ayaa tolmaamaya in Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ay goordhow safar dhulka ah ku tagay degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay u gudbi doonaan degmada Cadale ee Isla Gobolkaasi.

Safarka Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa la sheegay in uu yahay mid la xariira u kuugalidda xaaladaha kala duwan ee ka taagan degmadaasi iyo degaanada kale ee Gobolaasi.

Horay Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa u gaaray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaasi oo si weyn loogu soodhaweyay degmada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor