Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxeeynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ku wajahan Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.
Safarka Madaxweynaha oo todobaad ka hor lasii shaaciyay ayaa ayaa sida la sheegay ku qotoma sidii uu u wanaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka oo ayaamshaan aad u Dumaa.
Markii uu tago Madaxweyne Farmaajo Imaaraadka waxa uu la kulmi doonaa Madaxda ugu sareysa dalkaas waxa uuna kala hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo qodobo kale.
Booqashada Farmaajo ee Imaaraadka ayaa yareyn doono culeyska Siyaasadeed ee uu kala kulmay Imaaraadka iyo xulufadiisa kadib markii ay Dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqotay khilaafka wadamada Khaliijka.