• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, July 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhiirigeliyey Dhallinyaro shaqo loo tababarayo.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 25, 2016
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kormeeray mashruuca farsamada gacanta ee Gobolka Banaadir oo in ka badan 180 dhalinyaro ah ay ku baranayaan farsamada gacanta oo noocyo kala duwan leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Gobolka Banaadir uga mahadceliyey fursad dhalinyarada la siiyey isla markaasna dhiirigeliyey dhalinyaradaas “Marka waxaan mahadcelinayaa Dhalinyarada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka howlgalay sidii dhalinyaro gaareysa 180 loo siin lahaa fursadan oo ay ku baranayaan farsamada gacanta si ay ugu noqoto shaqo abuur iyo curin fikirad ganacsi oo bulshada wax u tarta.” Ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ahmiyad gaar ah siisay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, ayna u heli lahaayeen fursado shaqo, iyadoo Dowladdu ay abuurtay jawi xasiloon oo ganacsigu ku horumari karo, isla markaasna fursad u siinaya dhalinyarada inay wax ku bartaan oo ay horumarka ganacsiga yar yar kaalin mug leh ka qaataan.

Madaxweynaha oo la dardaarmayey dhalinyarada wax baraneysa ayaa yiri “Barnaamijkan Farsamada gacanta iyo kuwa la midka ah waa fursad qaali ah oo la doonayo in dhalinyarada ay ka faa’iideystaan si ay u noqdaan kuwo shaqo abuuran kara, kuwo u shaqeyn kara shirkadaha iyo hay’adaha dowladda, isla markaana soo saaran kara nolol maalmeedkooda. Waddan walba waxuu ku horumaraa sida ay dhalintooda wax u bartaan, una shaqeystaan oo ay u gaaraan heer isku filnaasho ah. Mudadii 4ta sano aheyd waxaan dhidibada u aasaasnay hay’adihii dowliga ahaa, sidoo kale waxaan abuurnay jawi ganacsiga ku horumaro.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo firfircoon oo diyaar u ah ka qeybqaadashada horumarka dalka ka jira. “Shaki iigama jiro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheer hal-abuurka oo markaad dhameysataan waxbarashadan farsamada gacanta waxaan hubaa inaad la iman doontaan fikrado cusub oo aad ku kobcin doontaan ganacsiga dalka oo aad furan doontaa shirkado iyo ganacsiyo yar-yar.” Ayuu yiri Madaxweynahu

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Soomaalidu ay caan ku yihiin adkeysiga iyo hal-abuurka ganacsiga, isla markaasna kula dardaarmay ganacsatada iyo qurbojoogta inay dalkooda maalgeshi ku sameeyaan si dhalinyarada loo siiyo fursado shaqo abuur ah si ay kaalin mug leh uga qaataan koboca dhaqaalaha dalka si aan u gaarno isku filaansho dhan walba ah.

-Dhammaad

IB0A6855
IB0A6898
IB0A6948
IB0A6979
IB0A6996
IB0A7132
IB0A7167
IB0A7193
IB0A7215
Previous Post

(Dhageyso):- Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagalka ka dhacay Magalada Galkacyo.

Next Post

Ganacsade u dhashay Suudaan, balse haysta Baasaboorka Somalia oo lagu maxkamadeynayo Nairobi.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed
Warar

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

July 15, 2025
Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub
Caalamka

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub

July 15, 2025
Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay
Warar

Shirka Dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo Galay Maalintiisii Labaad, Khilaafyo iyo Doodo Adag oo Soo Baxay

July 14, 2025
Next Post

Ganacsade u dhashay Suudaan, balse haysta Baasaboorka Somalia oo lagu maxkamadeynayo Nairobi.

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

by Liban
July 15, 2025
0

In the heart of Somalia’s capital today, a handshake between two leaders spoke volumes. Mogadishu’s Mayor, Dr. Hassan Mohamed Hussein “Muungaab”,...

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilka uga qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil, oo haatan ku sugan...

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino lala beegsaday kolonyo...

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

by Ilhaan
July 15, 2025
0

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland lagu dilay xubno ka...

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
English News

“Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
Warar

DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
Caalamka

Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed
Warar

Askari Madaxtooyada ka tirsan oo loo xiray jirdil uu u geystay gabar Soomaaliyeed

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub
Caalamka

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay dagaal toos ah, iyadoo Ruushku uga digay Mareykanka hurinta xiisad cusub

July 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mogadishu Is Rising”: Mayor Muungaab Welcomes Arab League Envoy in Symbolic Visit
  • DEG-DEG: Baarlamaanka Puntland oo Xilka Ka Qaaday Xildhibaan Cabdirashid Yuusuf Jibriil
  • Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaalada Garissa ee Kenya
  • Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Buuraleyda Bari, laguna dilay maleeshiyaad ka tirsan Daacish

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00