Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xilkii looga qaaday Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa xilka Agaasimaha Cusub ee waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka u Magacaabay inuu noqdo Maxamed Xuseen Maxamed (La-xabaal), isagoo bedelaya Mas’uulkii hore ee Maxamuud Axmed Saalax.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sanadkii 2018 Maxamuud Axmed u Magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka gaar ahaan kuwa maamulka iyo Maaliyadda Maamulkaas ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Mas’uulka Cusub ee la magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.