Madaxweynaha Masar oo booqan doona Maraykanka.

Wargeyska Al-ahraam ee ku hadla Afka Dowladda Masar ayaa qoray inuu Madaxweyne C/fataax Al-sisi bilowga bisha soo socota ee April booqan doona Washington.

Madaxweyne C/fataax Al-sisi waxa uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi, Donald Trump, waana booqashadii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Masar ku tago Maraykanka tan iyo markii xilkaasi loo doortay sannadkii 2014-kii.

Waxa uu la kulmi doono dhigiisa dalka Maraykanka, Donald Trump oo casuumaad u fidiyey bishii January ee sannadkan, balse, taariikhda booqashadiisa xilligaasi lama shaacinin.

Madaxweynaha Masar waxaa la doortay sannad kadib, markii ay Millityeriga talada kala wareegeen Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Maxamed Morssi oo lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa Kooxda Akhwaanul-muslimiinka laga mamnuucay dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media