Hoggaamiyaha Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael ayaa ka hadlay Gantaallo dhowr ah oo xalay ku dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eratariya.
Hoggaamiye Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Ismaamulka Tigree-ga ay ka dambeeyeen Gantaalladii lagu weeraray Garoonka Asmara iyo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta dowladda Eratariya.
Hogaamiyaha Tigree-ga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen Ciidamada Eratariya, iyagoona ku eedeeyay dowladdaas inay ka qeyb qaadaneyso dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Milateriga Itoobiya.
Hadalkan kasoo yeeray Hoggaamiyaha Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya Debretsion Gebremichael ayaa la sheegay inuu sare u sii qaadeeyso xisaadda colaadeed ee u dhexeeysa dowladda Itoobiya iyo Tigree-ga.
Dagaalka u dhexeeya Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Ismaamulka Tigree-ga ayaa galay maalintii 11-aad, waxaana ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.