FatahaadahaMadasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa ku dhawaaqday $200,000 (Laba boqol kun Dollar) oo ah kaalmo gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in Madashu ay dhistay laba guddi oo ka kala howlgali doona Magaalooyinka Baladweyne iyo Berdaale oo ka kala tirsan maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa uu tilmaamay in $200,000 (Laba boqol kun doolar) ay Madasha Xisbiyada Qaran ku deeqday shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahaada Wabiyada dalka.
Ugu dambeyntii waxaa la shaaciayay liiska laba guddi oo howlaha gurmadka ka fulin doona Magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale ee dalka Soomaaliya.