Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu garaacayo madaafiic xoogan.
Madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in sigaar ah loogu garaacayo Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaano hoostaga deegaanka Jilibka Marka,halkaasi oo ay maanta dagaal xoogan oo ku dhexmaray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo dagaalyhano ka tirsan Al-shabaab.
Dad deegaanka ayaa waxa inoo sheegeen in ay maqlayan jug culus oo madaafiic  ah,isla markaana sidoo kale ay cabsi dareemayan.
Sidoo kale Madaafiicda ayaa waxaa la sheegay in ay riyadan Ciidamada AMISOM,kuwaasi oo la tilmaamay in dagaal ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose looga qabsaday gaadiid ay leeyihiin.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda caawa lagu garaacayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Â