Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Maanta oo sabti ah ay dib u fasaxday lacagta danabaysan ee Teleefanada la isugu diro, xili ay horey u xanibtay in la isku diro wixii ka yar hal Dollar.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dib loo fasaxay lacagta danabaysan ee Teleefanada la isugu diro oo horey loo joojiyay.
Waxaa uu sheegay Wasiir Qawdhan in sababta loo fasaxay in wixii ka yar hal Dollar la isku diro ay tahay sidii loo socod siin lahaa isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga oo maalmihii lasoo dhaafay isticmaalkeeda laga diidanaa deegaanada Puntland.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay inay jiraan ganacsato ku sugan deegaanada maamulka oo iska daadiyay lacag shilinka, isla markaana dano gaar ah ay ka leeyihiin arrintaas.
Si kastaba hadalka Wasiir Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan ayaa waxaa uu ku soo beegamayaa, iyada maalmihii lasoo dhaafay magaalooyinka waaweyn ee Puntland lagu daadiyay lacagta Shillinka Soomaaliga, kadib markii ay halkaas ka socon weyday.