Maamulka Jaamacadda Horseed oo ka hadlay mid kamid ah Macalimiintooda oo la dilay

Iyadoo Xalay kooxo hubeysan ay  Xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ay ku dileen macalin Bare ka ahaa Jaamacadda Horseed ayaa waxaa dilka Marxuumka war kasoo saartay Jaamacadda uu ka tirsanaa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Jaamacadda, ayaa lagu xaqiijiyay dilka Macalinka, waxaana ay sheegeen in gacan ka xaqdaran ay falkaasi dilka ah kula kacday.

“Maamulka, Maclimiinta iyo howlwadeenada jaamacada Waxaa ay Tacsi Tiiranyo leh u dirayaan Hormuudka kulliyadd (Economic and Magement Sciences )Ustaad Cusmaan Axmed Macow oo gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada mugdisho. Waxaan leenahay samir iyo iimaan Allah ha inaga wada siiyo qabrigiisana Allah ha u waasiciyo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Jaamacadda.

Laamaha ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, balse lama shaacin cid ay u soo qabteen falkaasi dilka ah ee ay gaysteen kooxda burcadda ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor