Maamulka Gobolka Bnaadir ayaa Maanta ri rasmi ah loogu wareejiyay Qalab kala duwan oo loogu talagay in waaxda Musiibooyinka iyo maareynta arrimaha samafalka.
Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolkan Banaadir Axmed Xasan Iimaan ayaa Maanta kala Wareegay Wasaaradda Maareynta iyo Masiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya, qalab loogu talagalay Waaxda samafalka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Hoose ee Xamar.
Wasaaradda ayaa dhawaaan shaacisay in qalab kala duwan ay gaarsiin doonto Maamulada dalka iyo kan Gobolka Banaadir, waxaana horay ay u shaacisay wasaarddu xaaladaha musiibooyinka lagula tacaali doono qalabka.